Baahida guriyeynta bulshada ayaa kor u kacday waxaannu hadda haynaa ku dhowaad ​​21,600 qoys oo sugaya HomeChoice Bristol (Diiwaanka Guriyeynta ee Bristol) si loogu qoondeeyo guri. Kuwaas waxaa ka mid ah dadka sugaya kireysiga guriyeynta bulshada ee ugu horreeya iyo kiraystayaasha hadda jira oo sugaya inay u guuraan guri kale oo ku habboon baahidooda. Goluhu wuxuu aad ugu dadaalayaa sidii loo kordhin lahaa guryaha bulshada ee magaalada. Waxaannu hadda leennahay ku dhowaad ​​27,000 guri ee golaha deegaanka iyo ku dhowaad ​​12,000 oo guryaha ururrada guriyeynta. Labada sano ee soo socota, waxaannu qorshaynaynaa inaannu 529 guri ku kordhino guryaha golaha deegaanka taas oo u dhiganta 22 guri oo dheeraad ah bishiiba. 

 

Guryaha Golaha Baahida Guud waxaa loogu talagalay dadka ku jira Homechoice Bristol (Diiwaanka Guryeynta Bristol), mid hore u degganaa ama ku jira liiska sugitaanka. Hoyga ku meel gaarka ah wuxuu bixiyaa guryo loogu talagalay qoysaska nugul ee ay soo foodsaartay xaalad deg-deg ah oo guriyeynta ah si ay ugu noolaadaan inta ay golaha deegaanku qiimeynayo baahidooda guriyeynta iyo inta ay sugayaan guri joogto ah. Golaha waxaa ka go'an inuu siiyo hoy badbaado leh, ammaan ah oo ku habboon kuwa u baahan. Hadda, la'aanta guryo la awoodi karo in la kireysto oo magaalada ku yaalla awgeed, qoysaska ku jira hoy ku meel gaar ah waxay sugayaan celcelis ahaan sannad ka hor inta aysan helin hoy ku habboon muddada dheer;  qoysaska qaarkood sugitaanku wuu ka badan karaa laba sano.

 

Tan iyo markii uu faafay COVID-19, tirada qoysaska ku jira hoyga ku meelgaarka  ah ayaa aad ugu korodhay Bristol iyo guud ahaan dalkan UK. Tani waxay muujinaysaa in  tirada dadka ay soo foodsaartay xaaladda degdegga ah ee guriyeynta ay si aad ah u korodhay. Magaalada Bristol waxaannu hadda ku leennahay in ka badan 1,500 guri guri ku meelgaar ah marka la barbardhigo in ka yar 800 sanadka 2018. 

 

Halka baahida hoyga ku meel gaarka ah ay korodhay, kharashkuna wuu kordhay. Qaddarka lacagta ah uu goluhu ka heli karo dawladda dhexe si uu u daboolo kharashka meelayn kasta oo ku meel gaar ah ayaan la kordhinin tan iyo 2011, taasoo la macno ah kharashka golaha bixinta hoy ku meel gaar ah ayaa si aad ah u kordhay. Sanad maaliyadeedkii hore (2023/24), golaha deegaanku  wuxuu ku qasbanaaday in uu daboolo  dhaqaale yaraan ka badan  13 milyan oo gini si loo siiyo hoy ku meel gaar ah in ka badan 1,400 qoys.

 

Si wax looga qabto caqabadahaas, waxaannu sameynay barnaamij gaar ah si aannu wanaajinno helitaanka, ku habboonaanta hoy ku meel gaar ah oo la kireynsan karo  annagoo sidoo kale ka shaqeyneyna sidii loo yareyn lahaa hoy la'aanta magaalada iyo ka hortagga baahida hoyga marka hore. Si kastaba ha ahaatee, shaqadan inteeda badan waxay qaadan doontaa waqti.